Wafdi uu horkacaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaasi oo uu maalinnimada berrito ah uu ka furmi doono shirka Madaxda Baarlamaannada Dowladaha Carabta.
Guddoomiyaha, ayaa waxaa Garoonka Qaahira ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, Nabil el Araby oo ay in kooban kulan ku wada qaateen qeybta nasashada Garoonka iyo sidoo kale Masuuliyiinta Safaaradda Somaliya ku leedahay Magaalada Qaahira.
Xildhibaan Daahir Xaaji Geele oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya u metela Baarlamaanka Carabta, kana mid ahaa wafdiga Jawaari, ayaa sheegay in maalinta berrito ah, ay shir kaga qaybgalayaan Magaalada Qaahira.
Xildhibaan Geele, ayaa sheegay in shirkan ay leeyihiin Madaxda Jaamacadda Carabta, sidoo kalana ay jiri doonaan kulamo gaar gaar ah, oo Jawaari uu la yeelan doono xubnaha ka qaybgalaaya shirka.