Waxaa deegaanka Mubaarak ee Gobolka Sh Hoose lagu dilay Yaxaaskii ugu weynaa kaasi oo lagu dhuftay dhowr xabadood.abeelaha
Yaxaaskaani ayaa waxaa toogasho ku dilay Nin aan sidaa uga fogeyn dadka dega jiinka Webiga, waxa ayna dadka Deegaanka sheegen in Yaxaaska uu horay u dilay dad iyo xoolo aad u badan.
Ninka dilay ayaa sheegay in marqaati uu ka yahay in Yaxaaskaasi uu dhowr qof oo uu garanaayo xiliyo kala duwan u qaatay.
Dilaaga Yaxaaska waxa uu sidoo kale sheegay in dilka Yaxaaska uu u adeegsaday ilaa 7 xabo oo uu kaga dhuftay Afka, isaga oo xarbi kadib kusii dhuftay Labo kale.