Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulankii gaarka ahaa ee Madaxda Somalia iyo Beesha Caalamka ku dhexmaray Hotel Conrad ee magaalada Istanbuul.
Shirka oo qaatay ku dhawaad hal saac iyo bar ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada Somalia iyo isku soo dhawaanshiyo laga dhex abuuro madaxda Dowlada iyo Beesha Caalamka.
Shirka oo uu ku sugnaa Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Michael Keating iyo Madaxda Dowlada, maamulada ka jooga Istanbuul, ayaa waxaa laga soo saaray go’aan lagu xaqiijinaayo qodobadii kasoo baxay shirkii shalay kusoo dhamaaday Istanbuul.
Shirka madaxdaasi u dhexeeyay ayaa intiisa badan looga hadlay 2 qodob Doorashada iyo arrinta Puntland.
Qodobada ay shirkooda kasoo saaren ayaa waxaa kamid ahaa:
1-In si rasmi ah loo dhaqangaliyo qodobadii kasoo baxay shir weynihii shalay kusoo dhamaaday Istanbuul.
2-In DFS ay xili hore bilowdo howlaha ku aadan doorashada dalka.
3-In ku laabashada Muqdisho kadib Puntland mar kale fursad loo siiyo in laga dhaadhiciyo qaadashada 4.5.
4-In DFS ay sii laba jibaarto Siyaasadii kala dhexeysay Puntland iyo Somaliland.
5-In maamulka Puntland aan loo hakin wixii maslaxad u ah Umadda Soomaaliyeed.
6-In mudada ka dhiman doorashada dalka laga ilaaliyo khilaaf iyo wixii la halmaala.