iyadoo Xildhibaan Faarax C/qaadir lagu xanto in uu aad ugu dhaw yahay dowlada itoobiya gaar ahaan ninka Soomaalida Wareeriyay ee lagu magacaabo Jeneraal Gabre iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa waxaa si qarsoodi ah Muuqaal looga soo duubay Gabre & Faarax C/qaadir.
Muuqaalka ayaa ku arkeysa Faarax iyo Gabre oo si gaar ah ushooraya una muuqda xubno sirdoon ah oo ka baaraan dagaya qorshihii ay ku dhaqaaqi lahaayeen.
Muuqaalkaan waxaad ku xaqiijin doontaa Gabre oo ah sirdoon ka socda itoobiya in uu ku xeran yahay faarax C/qaadir waxaana marar badan madax kala duwan oo Soomaali iyo Ajinabi ah ay saxaafada usheegeen in gabre iyo faarax ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya loo kala jar jari lahaa qorshahaasna dowlada itoobiya ay usoo wakiilatay.