Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Ka mid ah Mudanyaasha Baarlamaanka Ahna Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Arimaha Dibada Baarlamaanka ayaa si kulul ugu hadlay safarka guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Qaahira oo uu uga qeyb galay shirka Baarlamaanada Carabta isagoo sheegay in uu ahaa safar dhabar ka taabasho ah oo la gacan bidixeeyay sida uu hadalka u dhigay Dad kii Mudnaa.
Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in shirka Baarlamaanada carabta looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka loona baahnaa in laga qeyb galiyo guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse dad aan loogu tala galin laga qeyb galiyay sida uu yiri.
Guddomiye Jawaari Ayaa Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar uga Qeyb galaya Shirka Baarlamaanada Carabta kaas oo la filayo in Diirada Lagu saaro Arrimaha Amniga Ee Wadamada Carabta Gaar ahaan Kan Wadan ka Soomaaliya.