Wararka kale oo haatan heleyno ayaa sheegaya in Qarax kale oo aad u xoogan hada ka dhacay beerta Nabad ee magaalada Muqdisho, xaalada magaalada ayaana u muuqata caawa mid kacsan oo ay hareeyeen qaraxyo aad u xoogan iyo rasaas .
Goobjooge ku dhaw Beerta Nabada ayaa noo sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay isla beerna Nabad , dhawaqan qaraxan labaad ayaa isna ahaa mid aad u xoogan , lamana oga in uu yahay gaari iyo in uu qof is qarxiyay.
Sido kale Rasaas ayaa sido kale ka dhaceysa gudaha beerta Nabad iyo agagaarkeeda, walina ma xaqiijin karno in gudaha ay galeen dabley hubeesan iyo in kale, ciidamo badan oo katirsan Nabad Sugida Qaranka iyo booliiska ayaa buux dhaafiyay agagaarka Beerta Nabada ee magaalada Muqdisho.
Ugu Danbeyntii Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaa aad u yar isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana magaalada aad looga hadal hayaa qaraxyada caawa lagu weeraray beerta Nabada oo ah goob loo dalxiis tago laguna nasto.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Alla