Waxaa Caawa magaalada Muqdisho Siwayn looga dareemay Laba qaarax oo kala danbeeyay kuwaasi oo Lala beegsaday Hotel-ka SYL ee magaalada Muqdisho, islamarkaana saamayn ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Goobaha ku Xeeran Hotelka.
Qaraxa kadib ayaa waxaa xigay dagaal Toos ah oo dhexmaray Dableydii Al-shabaab ee Weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Hotelka, Al-shabaab ayaa sheegatay inay Gudaha u galeen Hotelka, sidoo kalana Goob-jooge ku sugan Hotelka ayaa Beeniyey Arintaasi, Waxaa hada lagu Mashquulsan yahay Tirada Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Weerarka.