Faahino kala Duwan ayaa ka soo baxaya Qarax Xoogan iyo Rasaas Goordhow Lagga Maqlay Nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka is khilaafsan ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa Gaari Walxaha Qaraxa laga soo buuxiya lagu weeraray Hoteelka SYL.
Warar kale ayaa sheegaya in Qaraxa Gaariga Miineeysan lagu weeraray Beerta Nabada oo ah Meel Dadka Reer Muqdisho u soo Damaashaad Tagaan in kastoo warar kaas aan lahubn.
Dad kaloo ka agdhow Madaxtooyada waxaa ay inoo sheegeen in ay u maleeynayaan n qaraxa lagu weraray Hoteelka Layiraahdo Siyaad oo ka so horjeeda Taalada Sayidka oo ku taal isgooyska Saydka.
Wadada Hor marta Madax tooyada ayaa la soo sheegayaa in ay xirantahay oo Dadka iyo gaadiidka laga joojiyay Ciidamo aad u farabadan ayaana wadadaasi la soo dhoobay.
Faah faahinta Rasmiga Goordhow Naga fisha insha allah