Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaaya Weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Caawa ka dhacay Hoteel SYL iyo Beerta Nabada ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaaro aad u badan.
Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo dad shacab ah, kuwaasi oo kuwada sugnaa goobta weerarka lagu qaaday.
Inta la ogyahay labada weerar ayaa waxaa ku dhintay 13 ruux oo u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 26 ruux oo ay ku jiraan Ciidamo iyo dad shacab ah oo wadadaasi maraayay xiliga ismiidaaminta ay dhaceysay.
Dhaawaca ayaa waxaa loo daabulay Goobaha Caafimaadka, halka dadka ku dhintay Ismiidaamintuna ay halkaasi ka qaaden ciidamadii ka badbaaday weerarada.
Dhaawacyada qaar ayaa u dhintay gargaar la’aan waxaana xusid mudan in Isbitaalada magaalada Muqdisho ay xiran yihiin maalinta Jimacada, taasi oo sabab u noqotay in dhaawacyada qaar ay dhiigbax u dhintaan.
Dhanka kale, weerarkaani ayaa waxa uu iftiiminayaa habacsanaanta laamaha amniga DF, waxa ayna dadku is weydinayaan sida uu amaanka Muqdisho noqon doono xiliga doorashada oo fooda nagu soo heysa.