Goobtii ay ka dhaceen Qaraxyadii Xalay ayaa Saaka waxaa ka socdo Howlgalo lagu Nadiifinayo burburka ay sababeen Qaraxyadaasi,waxaana Goobta ku sugan Boqolaal Dad ah oo u soo daawasho in ay arkaan sameynta Qarax iyo sidoo kale Dadka ka shaqeya Nadaafadda oo doonaya iyaguna in ay Nadiifiyaan.
Sidoo kale Qaar kamid ah dadkii Xalay Weerarka ka badbaad ayaa noo sheegay in ay Arkeen wax aysan waligood arkin islamarkaana Qaraxa hore uu ahaa Mid ka weyn Qaraxyadii horay uga dhacay Magaalada Muqdisho.
Dad ka mid ah kuwii xalay ka ag dhawaa Qaraxii xooganaa islamarkaana Alle uu ka badbaadiyey weerarkaasi ayaa Saakay iyagu ka hadlay wixii xalay ay indhahooda ku arkeen.