Magaalada Kampala ee Caasimada Wadanka Uganda waxa ka dhacday Qarax booyad Shidaal oo argagax geliyey Soomaalida ka agdhowaa kuwaas oo kala cararay markii ay boyadaasi qaraxday, kadib markii ay u maleeyeen Qarax caadi ah.
Qaraxa Booyadaas oo ka dhacay Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Kenyi dhabarka dambe ee hotelka Somalida ee AL-QUDUS, ayaa Sababay dhimashada 4 ruux oo ahaa dadkii booyada Sameeynayey.
Booyada ayaa qaraxday kadib markii ay la isku deyey in laga alxamo meel ay ka duleeshay, sida uu soo sheegayo qof ka mid ah Soomaalida Magaalada Kampala.