Fadeexadaani ayaa ka dhacday magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti kadib markii Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye laga hakiyay qeybo kamid ah Khudbadii uu ka jeedin lahaa shirka ka socda magaalada Jabuuti oo ay isku arkayeen Dowladaha Ciidamada ka jooga Somalia.
Jeneraal Gabre oo ah Madaxweynaha labaad ee Soomalia islamarkaana Dowlada Ethiopiya u qaabilsan qaska iyo nabadeenta Siyaasada, Horumarka Somalia ayey kaamiradu qabatay isaga oo Warsiir Hadliye ka joojinaaya Khudbad uu kaga hadlaayay Ciidamada AMISOM ka jooga G/Sh/Hoose gaar ahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.