Kadib Xiisad dagaal oo ka soo Cusboonatay deegaanka Dixin ee Gobolka Sool, ayaa waxaa Arintaasi ka hadlay Waxgaradka Gobolka Sool, iyagoona sheegay inaan loo dulqaadan doonin duulaanka ka yimid magaalada Garoowe, Sidoo kalana waxaa laga hadlay Dhibaatooyin badan ee laga tirsanayey Maamulka Puntland.
Deegaanka Dixin ee Duleedka Buuro-wadal ayaa maalintii shalay (28-kii Bisha) waxaa ka dhacay dagaal, waxaana sidoo kale deegaanka laga dareemayaa Xaalad Colaadeed.