Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay inta badan Dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee geystay Dhimashada iyo Dhaawaca badan.
Wasiirka Maleeshiyaadka iyo Hubka dhigista Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Eelay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo inta badan Dadkii soo abaabulay Qaraxyadaasi islamarkaana la hayo Goobihii lagu soo diyaariyay Qaraxyada.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dadkaan la saari doono Maxkamad Ciddii ay ku Cadaatana Ciqaab adag ay la kulmi doonaan.
Allaha u naxariisto intii ku dhimatay kuwii dhaawacmayna Ilaaheey ha Caafiyo Maamulka Koofur Galbeed waxaa uu ku guuleystay inuu soo qabto Dadkii soo Maleegay dhagarta lagu Halaagay Ummadda Muslimiinta ah ee aan waxba galabsan hadda Gacanta ayey noogu jiraan”ayuu intaa ku daray Wasiir Eelaay.