Taleefishinka TRT ayaa waxa uu barnaamij ka soo diyaariyay qaar ka mid ah qurba joogta soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabtay, Mawduucan ayaa waxaa lagu waraystay hooyo Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqotay iyadoo Xarun weyn oo xirfadaha lagu barto ka hirgalisay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Faadumo nuur ayaa waxa ay ku nooleyd dalka Jarmalka 24-tii sano ee la soo dhaafay, waxayna sheegtay inay hami wey u qabtay inay maalin ku laabato dalkeeda hooyo si ay wax ugu qabato Haweenka ku dhibaataysan magaalooyinka dalka.