Maleeshiyaadka Al-Shabaaba oo xalay gacanta ku dhigay Xerada Laanta Buuro ayaa waxaa la soo sheegayaa in halkaasi ay weli ku sugan yihiin.
Ciidamada Xooga Xasan Shekh Gaar ahaan kuwa Guuto 5aad oo iyagu xeradaa ku sugnaa ayaa Duulaan ku ah Xerada Laanta Buuro halkaas oo xalay isaga baxeen kadib markii Shabaab halkaa ku soo weerareen.
Dadka Deegaanka Gaar ahaan Dhalinyarada Ku nooleed Degaaanka Laanta Buuro ayaa isaga baxay kadib markii ay ka ka cabsadeen in shabaab dhibaato kaga timaado.
Xaalada Deegaanka Laanta Buuro ayaa ah xaaladeeda Mid kacasan oo waxaa daafaha Xerada laga dareemayaa Xiisad Dagaal iyadoon dadka degaanka ay walaac ka muujinayaan.