Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino goor dhaw halkaasi lagula eegtay askar ka tirsan Maleeshiyaadka dowladda kuwaasi oo halkaasi marayey.
Miinadaan ayaa la sheegay inay ku aasneyd dhulka, waxaana ay ku qaraxday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay la soceen askartaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Afar askari iyadoo Lix kalena dhaawac uu soo gaaray.
Cabdullaahi Ciise oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka deegaanka Lafoole ayaa sheegay in askarta qaraxan lala eegtay ay ka mid ahaayeen kuwa Maleeshiyaadka dowladda Fidiraalda.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda Federaalka ah, kuwaasi oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.