Maxamed Cusmaan Yariisow,oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in magalada Marka xiligaan ay ka jiraan dhibaatooyin faraabdan oo dhinac walbo leh ha ahaato dhanka amniga iyo waliba nolosha kale ee caadiga ah waxa uuna yiri.
Magalada Marka wax ganacsi ah oo ka jira majiraan inta badan dadkii deganaa xaafadaha Saraha Beytu-raas iyo Xaafada Ruusiya way barakaceen gaancsi iskaba daaye hada magalada Marka dadkii waxay ku dambeeyeen Xaafada Waa ceneynaa Waa cabeynaa oo laga furay Suuq shirkadihii Xawaaladaha ayaaa u soo guuray oo amni ka soo raadsaday ayuu yiri mudane Yariisow.
Sidoo kale Yariisow aya intaas ku daray in magalada Marka ay tahay xiligaan alow sahay loona baahan yahay in wax badan laga qabto waxana jooga ciidamo dadka dhibaato farabadan ku haayo sida uu ahdalka u dhigay.