Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG Jubbaland ayaa sheegaya in kulan saacado qaatay ay wada yeeshen Xubno ka socda Booliska AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Kismaayo.
Kulanka oo qaabab kala duwan u dhacay ayaa waxaa looga gol lahaa in lagu abuuro is dhexgal dhanka Booliska Kenya ee AMISOM iyo Bulshada Kismaayo.
Saraakiisha Booliska qeybta ka ahaa kulanka ayaa Shacabka Kismaayo ka dalbaday inay xoojiyaan la shaqeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.
Kulanka u dhexeeya Booliska AMISOM iyo dadka shacabka ah ayaa waxaa la gaarsiin doonaa ilaa tuulooyinka Deegaanada Jubbaland.