Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Degmada Afgooye iyo guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi dhinaca ammaanka.
Xilka ka qaadistan ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo xilka ka qaadista guddoomiyihii Afgooye C/qani Yuusuf loo aaneynayo khilaaf kala dhaxeeya Mooryaanta wakiilka ugu ah Madaxweyne Shariif oo dhaca iyo boobka ay ku hayaan Shacabka Galbeedka Shabeelada hoose
Degmada Afgooye oo maamulkeeda hoostago maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mida degmooyinka dhaqaalaha badan kasoo galo Mooryaanta iyadoo dhowr jeer maamulkiisa la bedelay.