Gabar Soomaaliyeed oo kunool dalka Mareykanka ayaa Su’aalo adag oo ay la fajacday weediisay Haweeneyda Hillary Clinton oo ah murashaxada hogaaminaysa xisbiga Dimuquraadiga ee Dalka Mareykanka.
Hillary Clinton , oo booqatay goob maqaayad ah oo laga cabo Kofeyga ayaa halkaasi kula kulantay Gabar Soomaaliyeed, taa oo uga naxsatay Su’aalo adag oo ku saabsan waxa ay u qabatay dadka Madowga ah ee kunool dalka Mareykanka oo ay hada ka dooneyso taageeradooda.
Gabadha Soomaaliyeed ayaa u sheegtay Hillary Clinton , in bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi in ay kamid yihiin dadka Madowga ee dhibaatada kala kulma dadka cadaanka ah gaar ahaan Ciidamada booliiska oo si gaar ah u beegsada dadka Madowga ah.
Hillary Clinton , oo ka jawaabeysay Su’aalo adag ay weediisay Gabadha Soomaaliyeed ayaa tilmaantay in dadka Madowga ah in ay tagaeero ka heesato, waxa ayna ku faantay Mss Clinton in taageero fiican ka heesato Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka iyo Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka Minneapolis..
Hasa ahaatee Gabdha Soomaaliyeed ayaan ku qancin jawaabaha ay bixisay Hillary Clinton , waxa ayna ka hor cadeesay in aysan wax taageero ah ka heesan Bulshada Soomaaliyeed iyo waliba dadka Madowga ah.