Sidaan horay idiin ku soo Gudbinay waxa maanta degmada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maanta abaarihii kowda duhurnimo uu halkaasi ka dhacay dab aad u weyn oo geystey qasaaro fara badan.
Dabkani ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay Ex Ajibkii magaalada ee shidsaalka lagu iibin jirey halkaasoo hada ay shidaalka ku iibiyaan ganacsato fuustooyin shidaalka ku sida, Dabkani ayaa la sheegayaa in uu gaarey dhamaan goobiohii ku dhawaa ee ganacsiga.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dabka uu iskii u damey maadaama magaalada aysan laheyn baabuurta dabdemiska ah, Balse waxaa kaloo taasi kasii daran in ilaa iyo hada maamulka degmada aysan booqan