Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose, ayaa sheegaya in Dagaal Khasaaro geystay uu Xalay gudaha Magaaladaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Maleeshiyaadka Dowladda iyo Xarakada Al Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay bartamaha Magaalada Marka ku leeyihiin Ciidamada Maleeshiyaadka Dowladda, kaasi oo markii dambe xoogeystay.
Dhawaqa Rasaasta oo ay isweedaarsanyeen labada dhinac ayaa aad looga maqlayay gudaha Magaalada iyadoona sida la tilmaamay iska horimaadkaasi dhexmaray Maleeshiyaadka Dowladda iyo Al Shabaab ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaarahaasi.
Saraakiisha Ciidamada Deeganka ee ku sugan Duleedka Magaalada Marka oo aan isku daynay in aan xiriiro la sameyno si aan wax uga ogaano Dagaalka ka dhacay Marka ayey inoo suuro gelin in aan ku helono qadka taleefonka.