Ciidanka Badda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Shan Doonyood oo Kalluumaysi Sharci daro ah ka waday Xeebaha Puntland iyo Shaqaalaha saarnaa,ka dib hawlgal ay sameeyen inta u dhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qandala.
Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Saxaafadda kula hadlay Dekeda Boosaaso,ayaa sheegay in Dooyuhu ay ku Xadgudbeen Sharuucda u taal Puntland.
‘’Ciidanka Badda Puntland waxay soo qabteen Shan Doonyood oo Kalluumaysi Sharci daro ah waday oo badeena lagu jariifayay,waxaa Doonyahan laga leeyahay dalka Yaman,waxaana laga soo qabtay inta u dhaxaysa Qandala illaa Boosaaso’’Ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku dartay‘’……Doonyahan waa Doonyo wata Labo illaa saddex yar yar oo uso Kalluumaynaya,waxay ku xadgudbeen Sharciga Kalluumaysiga Puntland,waxaan aaminsanahay innaan Sharci marin doono Insha ALLAAH,in badan ayaan u dignay oo aan siinay Digniino’’.