Waxgaradka Beesha Geledi ayaa si caro leh uga jawaabay talaabo ay Qaadey Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ku bedeshey gudoomiyihii Degmada Afgooye C/qani Yuusuf oo dadka Afgooye ay mahadiyeen shaqadiisa.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/qani Yuusuf oo dareensanaa meesha ay dhibaatada uga imaaneyso shacabkiisa ayaa afka furtay oo warbaahinta la hadlay sheegayna in magaalada ay ka degi la’yahay Isbaarooley aan dan ka laheyn horumarka dadka deegaanka isla markaasina laga soo iibiyey jagooyin dadka degaanka in loo magacaabo ay ahayd.
Xil ka qaadista C/qani Yuusuf waxaa kaalin buuxdo ka qaatay Axmed Cumar Mudane iyo Cali Nuure oo labaduba isku haysto jago heer gobol oo dadka deegaanka ay la yaaban yihiin sida ay ku muteysteen niman aad deegaanka ahayn in loo magacaabo.
Ugu dambeyntii, Cali Nuure wuxuu maalmahaan dadaal badan ku bixinayaa inuu xil ka qabto wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbed Soomaaaliya, wuxuuna saaxiib dhow la yahay Wasiirka wasaaradaha arimaha gudaha iyo dowlaha hoosC/raxmaan Aadan Sate.