Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaaya dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada C Ahlusuna iyo maleeshiyaadka daacad u ah hor Jooge Liibaan Madaxweyne oo dhawaan ka baxsaday Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowlada Muqdisho.
Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaaya dagaalka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen Hor Jooge Liibaan Madaxweyne iyo Shan Mooryaan oo ku xigeeno iyo caawiyayaal u ahaa.
Ahlusunada Gobollada dhexe, ayaa goordhow xaqiijisay inay qabteen Liibaan Madaxweyne iyo Saraakiishaasi xili saacado ka hor ay qarinayeen xaqiijintiisa.
Liibaan Madaxweyne iyo maleeshiyaadka lala qabtay ayaa gacanta galay kadib markii lagu go’doomiyay dhismo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale, Ahlusunada Gobollada dhexe waxa ay xaqiijisay in Liibaan uu iminka yahay dhaawac culus islamarkaana lagu dabiibaayo Isbitaal iyaga u gaar ah, xaaladiisuna uu yahay mid Liidata, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhaawaca Hor jooge Liibaan ayaa waxaa sidoo kale iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Dhanka kale, hor jooge Liibaan Madaxweyne ayaa markii ugu danbeysay ahaa baxsad ay Dowlada Muqdisho baadigoob ugu jirtay waxa uuna baxsashadiisa kadib isku dhiibay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ee iminka ay is galeen.