Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ah Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka soomaaliya oo caawa LahadlayWarbaahinta ayaa waxaa uu sharaxaad dheer ka bixiyay kulankii dheeraa ee ay yeesheen mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya ee su`aalaha lagu weydiinayay Wasiirka kowaad ee Xukuumada Federaalka soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid iyo Taliyaha Hay`ada Nabad sugida soomaaliya Cabdi raxmaan Tuuryare.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in su`aalo badan laweydiiyay Ra`iisul wasaaraha oo ku aadan xaga amaanka waxaana uu intaas ku daray in siwqanaagsan uu uga jawaabay su`aalihii laweydiiyay.
Sidookale Taliyaha NISA asagana laweydiiyay su`aalo ku aadan xaalada maan ee muqdisho iyo waxa keenay in sedex jeer uu ka baaqdo uyeeritaankii loo yeeray oo ku aadan in uu hor yimaado Baarlamanka soomaliya Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in Taliyaha NISA uu siwanaagsan u sharaxay Maqnaashihii oo uu ku sababeeyay Arimo Qaran in uu ku howlanaa.