Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Culus oo goordhaw ka dhacay Magaalada kismaayo gaar ahaan meel duleedka ka ah oo u dhaxeysa magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha.
Qaraxyada oo ahaa labo ayaa la sheegay in lala rabay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali diini oo gaaray Kismaayo hasa ahaatee Xiliga qaraxyada ay dhacayeen waxaa ay ku jireyn gudaha Garoonka Diyaaradaha.
Halka qaraxyada ay ka dhaceyn ayaa ah Bar-koontarool oo lagu qaado Canshuurta waxaana la Xaqiijiyay dhaawaca laba qof oo ka mid ah dadkii Canshuur qaadista ku howlanaa sidoo waxaana la sheegayaa in qaraxyada ay ahaayeen Miinooyin Dhulka lagu aasay.
Madax ka socda Laamaha amaanka maamulka Jubba-land ayaa markiiba goobta gaaray kuwaas oo sheegay in la baarayo qaraxyada dhacay lana qaban doono Cida soo abaabushay.