Madaafiic culus, ayaa Xalay lagu weeraray Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhanka kalana ay laamaha ammaanku wadaan baaritaano ku aadan madaafiicdaasi.
Madaafiicdan, ayaa waxay ku soo dhacay xaafado ka mid ah Degmada Afgooye, inkastoo waxyeeladu ugu badan ay ka soo gaartay dad rayid ah oo degan xaafadda Xaawo Taako.
Abaarihii tobankii caweysnimo ayay madaafiic ku soo dhacday Degmada Afgooye, waxayna intooda badan ku dhaceen xaafadda Xaawo Taako, boosteejada Afgooye iyo agagaaraha
Wuxuu xaqiijiyay in 10 ruux oo rayid ah ku dhaawacantay madaafiicdaasi, isla-markaana ay dhaawacyadu ay u badan yihiin kuwo fudud, marka laga soo taggo laba qof, oo middi ay ahayd haweeney umul ah.