Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen dalka iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa markii uu muqdisho soo gaaray waxa uu booqday dhaawacyada ku jira Cusbitaalka Madiina halkaasi uu xaaladooda soo arkay qaarkoodna uu lacag gudoonsiiyey.
Intaasi kadib waxa la sheegay in Gudoomiyaha iyo xubnaha la socday ay uruqaansadeen Cusbitaalka Digfeer oo ay Turkidu maamusho waxaase loo diiday inuu gudaha ugalo gudoomiyaha cusbitaalkaasi.
Dhaawacyada dadkii kusoo waxyeeloobay qaraxyadii todobaadkaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa gudoomiye Madaale uu doonayey inuu booqdo waxaase gacan ka hadal iyo muran kadib uu kasoo laabtay Gudoomiyaha Cusbitaalkaasi kadib is hortaaga lagu sameeyey.
Turkida ilaalisa Cusbitaalka Digfeer Ee Magaalada Muqdisho waxa la sheegay inay dharbaaxeen Labo Wariye oo ukala shaqeenayey Tv-yada SBC iyo SOMNEWS iyagoo sidoo kale jebiyey Kaamiro ay leedahay Tv-ga SBC.