Shir iyo wada tashi socday mudo 12 Bilood oo ay yeesheen dhammaan waxgaradka , Culimada , Aqoonyahanada , Nabadoonada , Haweenka iyo Beesha Luwaay oo kakala yimid deegaanada ay degan yihiin ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta waxay Caleema saareen Ugaaska Guud ee Beesha ee Ladoortey.taariikhda markey aheyd 26 Febraay 2016.
Maanta 04 March 2016 waxay aheyd maalinta caleemasaarka Ugaaska Guud iyadoo ay kasoo qayb galeen Nabadoono Soomaaliya Qaarkood iyo Masuuliyiin ka kala socatey Dowlada Dhexe iyo Maamulka Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Qurbojoog si wanaagsan loogu yaqaano soomaaliaya dhinaca Samafalka sida Dr. Ali Mohamed Iidow (Moorigaabey ) oo ka hadley xulista ay beesha soo xulatey nin aqoonyahan ah , isagoo sheegey in dhamaan qabaa’ilada ay ku daydaan sida ay beesha luwaay ay yeeshey , waxaa ka hadley Wasiiro iyo Xildhibaano Koonfur galbeed .