Hay’ad hoostagta Al Shabaabka Soomaaliya ayaa waxay deeq dawo ah ka qeybisay Deegaanka Ceel cade Ee Gobolka Gedo oo la Xasuusto Xasuuqii ka dhacay 15-kii Bishii Janaayo Ee Sanadkaan oo Saldhig Kenyaatigu degganaayeen lagu beegsaday.
Waxa lagu magacaabaa Hay’adaasi Al Ixsaan waxaana saraakiil katirsan qeybta Caafimaadka Ururka AL Shabaab oo wajiyada uqarsan yihiin la arkay sawiro lasoo qaaday iyagoo deeqdaasi qeybinayey.
Xoolo la karantiilayey oo qaarkoodna lasiiyey Dawooyin cirbado iyo kaniiniyaal ah iyo Dad deeq dawo ah la siiyey ayaa sawiradooda la baahiyey.
Al Shabaab ayaa warbaahintooda waxa lagu faafiyey Sawirada iyo Qoraalo lagu muujiyey in Boqolaal qoys ay ka faa’iideysteen deeqdaasi dawada ah ay shabaabku qeybiyeen.