Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qaraxyo is xig xiga ay ka dhaceen Magaaladaasi,waxaana ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac.
Qaraxyada ayaa la sheegay in ay gaarayeen ilaa 5 Qarax,kuwaas oo ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso.
Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in ilaa Saddex Qof ay ku dhinteen in kabadan intaasna ay ku dhaawacmeen Qaraxyada ka dhacay degmada Baardheere.
Ciidamada Ammaanka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Saaka Baaritaano ka wada Degmada,kuwaas oo Xiray Goobaha ay Qaraxyadu ka dhaceen.