Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan Xarunta Gobolkaasi Ee Dhuusomareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Dhaawacii Liibaan Madaxweyne” xalay laga la baxay isbitaalka Magaaladaasi.
Dadka degaanka oo aan lahadanaya ayaa noo sheegay in ay xalay ciidamo katrsan Maamulka Ahlusunna ay la baxday Dhaawaca horjooge Liibaan Madaxweynne oo ay u qaadeen dhanka Degmada Guriceel Ee isla goboolka Galgaduud.
Saraakiil katirsan Maamulka Ahlusunna Ayaa inoo xaqiijiyey in Liibaan Madaxweyne dhaawaciisa looqaadayo dhanka Wadanka itoobiya halkaas oo lagu soo dabiibayo.
Dhaawaca liibaan madaxweyne ayaa wax looga qaban waayey sbitaalada Gobolka Galgaduud waxaana la filayaa in manta halkaas looga qaaday dalka itoobiya warar hoose ayaa sheegaya in saraakiil itoobiiyaan ah lagu wareejinaayo Dhaawaca Liibaan Madaxweyne si ay u dhameys tiraan .
Liibaan madaxweyne ayaa dhawaan ku dhaawacmay dagaalk ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb dagaalkaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyo uu watay Liibaan & Ciidamo katrsan Ahlusunna kaas oo ugu danbeyntii ahlusunna ay gacanta ku dhigtay isagoo dhaawac ah.