Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka dhaceen Qaraxyo is xig xiga ayaa sheegaya in dadka ku dhintay uu ku jiro Askari Itoobiyaan ah.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen ilaa 5 Qarax,waxaana ay ka kala dhaceen Goobo ay ka mid yihiin Maqaayado iyo Wadooyin u dhaw Shirkahada Isgaarsiinta Ee Magaaladaasi.
Dadka ku dhintay ayaa kala ah Askari Ciidamada Itoobiya katirsan iyo Qof Shacab ah,waxaana dhaawacu uu gaarayaa ilaa Dhawr kale.
Sidoo kale Taliyaha ayaa ntaa ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay bixiyeen ilaa dhor Miino oo lagu aasay weybo ka mid ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.