Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheeday in ay ku raad-joogdo kuwii ka dambeeyay weeraradii Hoobiyayaasha ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose.
Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey ayaa sheegay in ay dhowr qof u qabteen weerarkii habeen ka hor lagu qaaday Afgooye, haddana ay socoto sidii loo kala saari lahaa dadkaas.
Geeseey ayaa intaa ku daray in cidii lagu helo in ay ku lug lahaayeen weeraradaas maxkamad la soo taagi doono, cidii lagu waayana la sii deyn doono.
Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammanka ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Habeenkii Khamiista ahayd ee la soo dhaafay ayaa madaaafiic Hoobiyayaal ah lagu weeraray xaafado ka tirsan Degmada Afgooye, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 11 qof.