Xisbiga Kulan ayaa Baroordiiq weyn u sameeyay maanta Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Marxuum Xaaji Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo lagu dilay 15/02/2016 Magaalada Muqdisho, waxaa baroordiiqda oo lagu qabtay Hotel Maka Almukarama ka soo qeyb galay Xildhibaano, Gudoomiyaasha Xisbiyada Siyaasadeed, Bulshada Rayidka, Qoyska Marxuumka, iyo Aasaaasayaasha iyo Xubnaha Xisbiga Kulan iyo marti sharaf kale.
Munaasabada ayaa lagu daahfuray Film Taariikheed laga sameeyay Marxuum Xaaji Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo ay soo diyaariyeen Garabka Wariyayaasha Xisbiga Kulan, kadib waxaa soo dhaweeyay ka soo qeyb galayaasha Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Prof Maxamed Macalin Cumar Mayre oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulan ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan Barnaamij oo Munaasabada Khubad qiiro leh oo ka ilmeeysiisay ka soo qeyb galayaasha ka jeediyay ayaa ku tilmaamay geerida marxuumka in ay uga dhigan tahay Xisbiga Kulan in Agoon uu noqday, Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Deeqaha Waxbarasho ee Xisbiga Kulan bixiyay sanadkii 2015 ay gaaraysay 300 fursad waxbarasho, sanadkaan deeqaha Waxbarasho in ay ku bixin doonaan Magaca “Deeqaha Waxbarasho ee Marxuum Xaaji Muxyaddiin”, Gudoomiye Barnaamij ayaa ku baaqay in Gobolka Sh/Hoose nabad la qaato, sidoo kalana laga qaado isbaarooyinka isagoo ilmeeynaya ayuu tilmaamay in Marxuumku jeclaa kana shaqeeynayay in Gobolka Sh/Hoose nabad noqdo.
Marwo Faadumo Maye Maxamuud oo ka mid ah aasaasayaasha Xisbiga kulan, xubina ka ah Goloha dhexe ee Xisbiga ayaa tilmaantahay qiimaha uu ugu fadhiyay Marxuumka Xisbiga Kulan iyo shacabka Soomaaliyeed, Marwo Nadiifo C/laahi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka ayaa tilmaantay in Marxuum Muxyadiin uu ahaa nin taageero dowrka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim- Godir – oo ah Gudoomiyaha Kutlada Xildhibaanada Xisbiga Kulan oo Munaasabada ka hadlay ayaa xusay dabeecadihii marxuumka sida dulqaadka, khibradiisii xisbinimo iyo dowladnimo isagoo tilmaamay in Xisbiga Kulan shaqsi aad qaali u ah uu ka tagay, talooyinkiisana la fulin doono.
Saciid Jaamac Qorsheel wasiirkii hore ee Gadiidka Cirka iyo dhulka ahna Gudoomiyaha Xisbiga USP (United Somali Party) ayaa ku dheeraday taariikhdii Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji iyo walaalkiis Maxamuud Maxamed Xaaji ee dhanka Ciyaaraha isagoo sheegay in uu ahaa garsoore.
Eng Axmed Macalim Fiqi Xoghayaha guud ee Xisbiga Daljir ayaa ku tilmaamay nasiib daro in maalinba qof qiimo badan la dilo, waxaana uu ku baaqay in Xisbiga Kulan iyo Xisbiyada kale oo isbahaysanaya ay halgan u galaan sidii isbadal hogaamin dalka ugu dhaco 2016 si dalka iyo dadka loo badbaadiyo, isagoo ku amaanay Xisbiga Kulan Munaasabadaan iyo Buuga tacsida oo muujinaysa in qofkii qiimaha badnaa la xusuusta oo uu yeesho tol siyaasadeed.
Qoyska Marxuumka ayaa ka hadlay Munaasabada Baroordiiqda iyadoo ay u hadleen wiilkiisa Curudka ah C/laahi Muxyadiin, Gabadhiisa Drs Cayni Muxyaddiin, Walaalkii Cali Maxamed Xaaji, C/raxmaan Cumar Karaani oo seedigii ah, Xildhibaan Nadiir Macalin Cumar, Nabadoon Kuule Cali Abiikar, iyagoo ka hadlay taariikhdii waalid iyo walaalnimo ee marxuumka.
Munaasabada oo ahayd mid balaaran waxaa ka hadlay Hogaamiyaal ay ka mid yihiin Cali Xareed Wasiirkii hore ee Caafimaadka iminkana ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Madasha Wadaniyiinta Soomaaliyeed, Faarax Dharaar Gudoomiyaha Kumeel gaarka ee Xisbiga SNP(Somali National Party), Wasiirkii Ganacsiga Xasan Axmed Muudeey, Xildhibaanad hore Caasho Cali Ciise, Marwo Xaliimo Macalim Abiikar Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Daljir iyo Wakiil Hay’adda Marqaati C/casiis Maxamed (Really).