Duleedka Magaalada Buula Mareer ee Gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa uu Dagaal ku dhexmaray Ciidanka AMISOM iyo Al Shabaab.
Dagaalkan Qasaaraha ka dhashay wali si rasmi ah looma oga Balse Goob jooge ku sugnaa Buula Mareer ayaa Wakaalada Muurinews u sheegay in uu jiro qasaaro labada dhinac balse aysan wali cadeyn inta uu gaarsiisan yahay.
Gudoomiye ku xigeenka Magaalada Buula Mareer Muxudiin Caliyo ayaa tilmaamay in hada Xaaladu Dagan tahay oo Ciidanka AMISOM dib uga soo laabteen Goobihii lagu Dagaalamay oo ay Magaalada ku noqdeen.
Sidoo kale waxaan iyana la-ogeyn Qasaaraha Dagaalkaas kasoo gaaray Dadka Shacabka ah.
AMSIO iyo Dhanka Al Shabaabna wali kama hadlin Dagaalkan Maanta ka dhacay Buula Mareer.