Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey oo xalay kormeer ku tagay Isgoysyada ugu waaweyn ee Magaalada baydhabo Ayaa ujeedada kormeerkiisu waxa ay aheyd in uu u kuuurgalo xaalada amni ee Magaalada Baydhabo iyo sida ay habeenki ciidamada uga shaqeeyan Isgoysyadaasi.
Waxaana ku wehlinaayay wasiirka kormeerkiisa xalay taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo iyo taliyaha ciidamada nabad sugida Gobalka Baay.
Marki ay ka soo laabteen madaxdu kormeeki ay xalay ku tageen qaar ka mid ah isgoosyada ugu waaweyn ee Magaalada baydhabo ayaa waxaa idaacadaha maxaliga gudaha Magaalda Baydhabo ka jira ka hadlay wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey Waxa uuna tilmaamay in ay sii socon doonaan howlgallada xaqiijinta amniga guud ee Magaalda Baydhabo.