C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” Guddoomiyihii hore ee Maamulka G/Sh/Hoose, ayaa ka hadlay Fashilka amni ee xiligaani ka taagan Degmooyinka hoostaga G/Sh/Hoose.
Siidii waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay in Maleeshiyada Al-shabaab ay maalin iyo habeenba weeraro joogta ah ka geystaan G/Sh/Hoose, waxa uuna tilmaamay in ujeedka xilka looga qaadayba ay aheyd in Al-shabaab loo gacangalsho G/Sh/Hoose.
Wuxuu sheegay in xiliga uu ahaa Guddoomiyaha G/Sh/Hoose, dhammaan Deegaanada Gobolkaasi hoostaga ay ahaayen kuwo nabdoon, islamarkaana ay Maleeshiyada Al-shabaab ku weerari jireen guryahooda.
Siidii waxa uu Fashilka iminka ka taagan G/Sh/Hoose tusaale usoo qaatay weeraro is xigxiga oo siyaabo kala duwan asbuucyadii lasoo dhaafay uga dhacaayay Degmooyinka Afgooye iyo Marka ee G/Sh/Hoose.
Nasiib darro ayuu sheegay in maamulka cusub ee G/Sh/Hoose, ay hana waayan amniga Gobolka, waxa uuna ku baaqay inay la imaadan waxqabad muuqda amaba ay fursad siiyaan dhalinyarada lafdhabarka u ah howlaha xaqiijinta amni ee ku sugan G/Sh/Hoose.
Guddoomiyihii hore ee G/Sh/Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in Maamulka haatan talada haya ay ka muuqato hababsanaan tan iyo markii xilka leyga wareejiyay sida uu hadalkiia u dhigay Siidii .
Dhanka kale, C/qaadir Siidii ayaa Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose, Ibraahim Najax ku eedeeyay in uusan wada shaqeyn la la heyn Shacabka qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Gobolka Sh/Hoose