Ciidamada deegaanka ayaa Shalay isaga guuray Deegaanka Buufow Bacaad ee Duleedka Magaalada Marka oo ay maalin ka hor saldhigteen.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka guuristooda Buufow Bacad ay timid kadib cadaadis uga yimid Ciidamada Amisom.
Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in ciidamada deegaanka ee ku sugna Buufow Bacaad ay u guureen laba goobood oo kala ah: Gandaawe iyo Danada.
Sarkaalkan ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada reer Sh.Hoose u matala Dowladda Dhexe isagoo ku eedeeyay in qadiyadda dadka Sh.Hoose aysan ka difaacin magaalada Muqdisho oo ah halka shirqoolada Looga soo maleego.
Sarkaalkan ayaa sheegay waxaan ku dhownahay dhamaateena inaan Toos ugu Biirno Kooxda Al-Shabaab