Kooxda Al Shabaab, ayaa gurmad raashiin, maacuun, dhar iyo lacagba gaarsiiyay qaar ka mid ah deegaanada hoos-tagga Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo, oo ay ku dhaqan yihiin dad ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymaha diyaaradaha Kenya ka wadaan Gobolkaasi.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in gurmadkan ay iska soo uruuriyeen shacabka ku dhaqan Gobolkaasi Shabellaha Hoose, sida uu yiri.
Wuxuu sheegay in dadka reer Shabellaha Hoose ay u istaageen inay tabarucaad u uruuriyaan shacabka Somaliyeed, ee waxyeeladu ka soo gaartay duqeymaha diyaaradaha Kenya ka gaysteen Gobolkaasi Gedo.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa sheegay in Gobolka Shabellaha Hoose ay ka amba baxeen saddex gaari oo xamuul ah, kuwaa oo sida uu sheegay waday raashiin, maacuun, dhar iyo lacag gaareysa 15 kun oo dollarka Mareykanka ah, oo loogu talla-galay in lagu caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay duqeymahaasi.
Kooxda Alshabaab loogama baran caawinaada noocaan ah waxaana inta badan awooda saartaa sidii ay ula dagaalami lahaayeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha taageeraya.