Ilaahay wadan walbo wuxuu ku manaystay nimcooyin, wadanka soomaaliyana wuxuu ka dhigay wadan hodan ah. Arrintaas waxaa daliil u ah Arimaha soo socdo.
Hadaad fiirisid wadamada aduunka, wadan walbo dhaqaalihiis wuxuu ku salaysanyahay hal ama labo arrimood, sida wadanka Sucuudiga oo dhaqaalihiisa ku salaysanyahay saliidda cayriinka ama batroolka, wadankaa Finland wuxuu dhaqaalihiisa ku salaysanyahay geedaha ama alwaaxda, wadanka Iceland dhaqaalahooda wuxuu ku salaysanyahay kaluunka. Waxaad arkaysaa wadamo dhaqaalahooda ku tiirsan Dalxiiska, kuwakalana waxay ku tiirsanyihiin soosaarka warshadaha ama sinaacadda culus. Hadaba waa suaal fiican in laiswaydiiyaa wadanka Soomaaliya dhaqaalihiisa muxuu ku salaysanyahay.
Waxaad arkaysaa dhaqaalaha soomaaliya in uu ku salaysanyahay ama ku tiirsanyahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadanka soomaaliya sida xoolaha, dhulbeeraadka, xeeb laga kaluumaysankaro iyo nimcooyinka dhulka ku aasan ee aan laga faaidaysan wali sida Birta, dahabka, Uraniumka, saliida shidaalka, iyo waxyaabo farabadan oo aan la soo koobi karin, kuwaas ay kamid yihiin dhul bilicsan oo dalxiiska ku wanaagsan sida dhulbaraha aduunka ee ekvatoria ama raskambooni meeshaas oo ah meel ay aduunkoo idil usoo dalxiis tagi karaan.
Waxaa u sii dheer Soomaaliya in ay ku taalo dhul istraaji markii loo fiiriyo geopolitical, taas oo macnaheeda ah in ay soomaaliya isku xirri karto qaaradaha Afrika iyo aasiya iyo yurub. Waa dhul ku wanaagsan dhinac logistica oo ay noqon karto dhul beecmushtaraad.
Ayadoo ilaahay soomaaliya siiyay nimcooyinkaas oo dhan hadana waxaad arkaysaa in ay soomaaliya tahay wadan faqri ah oo saboolnimo iyo macluul saameeyay oo wadamada asaakooda dawarsado iyagana dhexdooda islaaya. taasna waxaa sabab u ah damaca wadamada deriska iyo kuwa ku bahooway jaamacadda carabta iyo Yurubta galbeed iyo barigaba iyo waliba doqonnimada siyaasiyiinta soomaaliyeed ee calooshood ushaqeestaha ah.