Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafuud caalami ah oo ka koobnaa xubno ka socday Dowlada Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya .
Xunaha wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka Waxbarashada Dowlada Soomaaliya Khadar Bshiir Cali, WasiirkaQorshaynta Iskashiga Calamiga ah ee Dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte iyo Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele CervoneDurso.
Wafuuda waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqadir Lugadheere.,Wasiirka Arimaha Gudaha Darwiish, Wasiirka Warfaafinta Boosta iyo Isgaarsiinta Cabdinuur, Wasiirka Arimaha Bulshada Macali Maxamed, Xildhibaano iyo Sarakiil ciidan.
Soo dhaween kadib Wafdiga waxaa lo gudbiyay Aqalka Martida ee Jubbaland oo ku yaala liilka badweynta Hindiya waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay Wafuuda Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Madaxwayne Axmed Madoobe iyo xubnihii Wafdiga ayaa u gudbay Iskuul laga hirgalinayo dhanka Waqooyi ee Magaalada Kismaayo waxayna si wada jir ah u dhagax dhigeen Iskuulkaas.Dhagax dhigii iskuulka kadib, waxay wafdigii oo uu la socdo Madaxwayne Axmed Madoobe ugudbeen Xarunta Daawad oo ay ka socotay Munaasabada Mashruuca Cilmidoon ee Hirgalinta Iskuulka.
Wasiirka Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga Dowlada Soomaaliya Cabdirashiid Caynta oo hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in qoondaynta Mashrucaan Cilmidoon ay qayb ka ahaayeen balse Qarashka ku baxaya ay bixinayso Midowga Yurub.
Waxaa sido kale Munaasibada ka hadashay Wasiirada Waxbarashada Dowlada Soomaaliya Qadro Bashiir Cali waxayna sheegatay in Iskoolkaan uu Tusaalo u noqon doono Iskoolada ka jira Soomaaliya waxayna intaa ku dartay, in Iskoolkan uu yahay mid ay leyihiin Ardayda reer Kismaayo, Dowlada Soomaaliya iyo Maamulaka Jubbaland.
“Marabno Iskoolkaan in uu noqdo Iskool lataabsaday oo uu noqdo mid Ardayda lacag looga qaado” ayay tiri Wasiirada. “Mudane Madaxwayne meelo badan ayaa Iskool ka dhisnay sidii larabayna loaguma dhaqmin,’’ ayay sii raacisay.
Safiirka Midowga Yurub oo isna hadalka qatay ayaa sheegay in Mashruucaan uu bilow u noqon doono Mashruucyo badan oo ay midowga Yurub ka hirgalin doonto Soomaaliya.
Ugu Danbayn Mdaxwayne Axmed Madoobe oo Munaasabada soo xiray ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Waxbarashada,wuxuuna ugu baaqay dadka degan Goobaha waxbarashada in ay ka guraan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA