Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shacabka ku dhaqan Degmada Janaale Ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo bilaabay inay guryahoodu isaga cararaan, iyagoona u cararaaya goobaha ku dhow dhow Degmadaasi.
Tani waxay ka dambeysay markii Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay Sabtidi iyo Axadiiba duqeymo xoogan u gaysteen Degamadaasi. Janaale waxaa ka arrimiya Ururka Al Shabaab.
Duqaynta Amisom oo saamayn wayn ku yeelatay dadka deegaanka, ayaa waxay ku dhalisay dareen baqdin leh, waana taa midda keentay in ay guryahoodu isaga cararaan.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in illaa shan qof oo rayid ihi ay ku dhimatay duqaynta Ciidanka Amisom. Ciidanka Amisom ee ku sugan halka loo yaqaano Deegaanka Buufow Bacaad oo 3km u jirta Magaalada Marka,
Barakaca ugu ballaaran, ayaa waxaa uu ka soconayaa xaafadaha Jadiid iyo Silmow, halkaa oo saamaynta ugu badan ee duqaymaha Amisom ay ku yeesheen.