Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Ciidanka Amisom iyo Alshabaab ku dhexmaray Deegaanka Shalaambod oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Xoogaga Shabaab weerar ay ku qaadeen Fariisimada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Rag ka tirsan Shabaabka ayaa dhowr jiho ka soo weeraray Saldhiga Amisom ee Shalaambod, waxaana halkaasi si toos ah uga dhacay dagaalka dhexmaray Shabaabka iyo Amisom.
Ciidamada Amisom ayaa fariisinkooda ka ridaayay Madaafiic la sheegay inay ku garaacayeen goobo ay u arkeen inay ka soo baxeen Shabaabkii weerarka ku soo qaaday.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi xalay ka dhacay Deegaanka Shalaambod ee Gobolka Shabeellaha hoose, hase yeeshe dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro Khasaare soo gaaray dad shacab ah.