Wararka ka imaanaya G/Sh/Hoose, ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay halkaasi ay ka dhaceen duqeymo aad u xoogan.
Duqeynta oo aad u badneyd ayaa waxaa lagu weeraray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo intooda badan ku dhacay goobo ka baxsan meelaha ay shacabku degan yihiin.
Dadka shacab ah ayaan xalay ka jiifan gurxanka Madaafiicdaasi oo u muuqatay inay ahaayen kuwo ka soo dhacaayay duleedka Degmadaasi.
Xuseen Maxamed Barre oo ah Gudoomiyaha Degmada Baraawe, ayaa sheegay in Madaafiicdaasi ay soo ridayeen maleeshiyaadka Al-shabaab waxa uuna farta ku goday in Al-shabaab ay xiligaani usoo jeesteen xasuuqa shacabka.
Xuseen Maxamed Barre , waxa uu sidoo kale, sheegay in Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay jawaab culus ka bixiyeen duqeymahaasi, islamarkaana madaafiicda jawaabta loo tuuraayay goobihii, ay u muuqdeen in Shabaabku ay madaafiicda ka soo rideen.
Dhanka kale, waxaan wali la sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha madaafiicda leys weydaarsanaayay.