Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay ka taagantahay.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in ay xiran yihiin gabi ahaan xarumaha Ganacsi ee Magaalad Marka , kadib cabsi xoogan oo dadka shacabka ah ka soo food saartay boob iyo dhac loo geysto goobahooda Ganacsi.
Mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Marka ayaa Wakaalada Muurinews u sheegay in maleeshiyaad fara badan ay buux dhaafiyeen Magaaladaasi waxaana uu qeexay in laga cabsi qabo in maleeshiyaadkasi dhac ka geysteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose sidaas darteedna la xiray guud ahaan Ganacsigii Magaaladaasi wuxuuna intaas ku daray in maamul uusan ka jirin Magaalada Marka.
Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaan waxaa dhac xoogan loo geystay goobo Ganacsi oo ku yaallo Magaaladaasi kuwaas oo ay dhac ka geysteen Maleeshiyaad Labisnaa dareeska Ciidanka dowladda Soomaaliya.