War goordhaw soo dhacay ayaa sheegaya in Kooxda Ahlu-suna ay iska wareejisay Dhaawaca Horjooge Liibaan Madaxweyne oo ahMooryaanka la dagaalamay horayna kaga soo baxsaday Maleeshiyaadka Dowlada Federaalka.
Ahlusunna oo horey u diiday in ay gacantooda ka bixiyaan Horjooge Liibaan oo ay ku qabteen Dagaal uu kula galay Dhuuso-mareeb ayaa hada waxaa ay ogolaadeen in ay wareejiyaan.
Warar hoose ayaa sheegaya in Mooryaan Liibaan Madaxweyne uu damiintay Ganacsade Caan ah oo hada ku sugan Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.
Odayaasha ayaa si toos ah ola wareegay Dhaawaca horjooge Liibaan Madaxweyne oo horey uga goostay Maleeshiyaadka Dowlada isagoona ku biiray Ahlusunna isagoona ugu danbeyn la dagaalamay.