Dowlada Kenya ayaa Ciidamo si gaar u tababaran u diyaarineysa Saldhiga ay ku leedahay Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ee dhawaan lagu laayay Ciidamo aad u farabadan oo Kenyaan ah.
Dowlada Kenya ayaa Xaruntaasi ugu tala gashay inkabada 40 Askari oo Milliteri ah kuwaasi oo ku sal balaarsan doona Deegaanada hoostaga Ceelcade oo inta badan ay ku sugan yihiin Alshabaab.
Ciidamadaani oo tababar lagu siinaayo xerooyin ku yaalla Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo dhameystiro dhan waliba si ay u xaqiijiyaan hadafkooda ku aadan deegaanka Ceelcade.
Dowlada Kenya ayaa duqeymo lixaad leh kawada qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo ay ku dhuumaaleystaan Xoogaga Alshabaab.
.